SHEEKO NIN MINDI WATA.
Nin Mindi wata ayuu soo hor istaagay Masaajid markaa salaadda laga baxay, kaddibna wuxuu yiri ”War yaa Muslim ah”? Hal nin ayaa farta taagay dadka intii kalana waa aamuseen. Ninkii ayuu kaxaystay, kaddibna neef uu biraynnayey ayuu yiri iga caawi. Waa uu la qabqabtay, wuuna bireeyey. Markii uu caawiyey ayuu yiri haragga intaad ka bixinayso ku ma sugi karee Masaajidka ku laabo oo qof kale ka soo kaxayso Masjidkii ayuu ku laabtay isagoo markaan wata Mindidii oo dhiig ka da’ayo, kolkaa ayuu yiri ”War yaa kale oo Muslim ah? Waa la wada aamusay, wuu ku celiyey ”War nala hadla oo yaa kale oo Muslim ah ? Dadkii oo dhan ayaa Imaamkii farta ku fiiqay oo yiri ”waxaan kolleey hubnaa wadaadka na tujiyey.
0 Comments